Since 1960 – muuse biixi miyaanu ahayn ninkii maatida qori bkm la dhacay ee aniga oo aarsan kara duco qadan maayo

Muuse Biixi Miyaanu ahayn Ninkii Maatida Qori BKM la dhacay ee Aniga oo Aarsan Kara Duco Qadan Maayo
Monday, 15 December 2008

Waxa arrin aad iyo aad loolaSample Image yaabay  noqotay hadalo qaawan oo ay Madaxdda xisbiga Kulmiye iyo Urur isku sheega Qaran kuwaas oo ay ku baahiyeen warbaahinta , iyagoo sheegay in Madaxda dalku mudan yihiin in maxkamad la soo taago.

Haddaba waxaan leeyahay dhamaan xubnaha ku jira xisbiga kulmiye ma jiro mid kali ah oo aan taladda dalka soo qaban, dhamaantoodna ka ugu hooseeyaa waxa uu qabtay Wasiirnimo, hadaba maxay dadka u qabteen mudadii ay taladda dalka hayeen? Su’aashaa jawaabteedu waxay noqoneysaa wax kali ah ee ay dadka u qabteen waxay ahayd, dagaalo lagu hoobtay oo ay Dalka ka huriyeen , iyagoo iskugu dhiibay xabad iyo umaddii oo loo kala saaray Shiish iyo Khaakh. sida, dagaalkii Burco 1991, Dagaalkii Berbera, Dagaalkii sokeeye ee 1993 (Burco iyo Hageysa), dhamaan dagaaladaas oo ahaa kuwo lagu hoobtey naf iyo maalba, waxay xabad iskugu dhiibeen dadkii walaalaha ahaa ee wada deganaa Magaalooyinkaa aynu kor ku sheegnay ahaana maatidii iyo Agoomihii SNM ee ka badbaaday Xasuuqii kalidii taliyihii Siyaad Barre uu kula kacay Shacabka ku nool JSL.

Hadaba, waxa ah waxaan loo dul-qaadan Karin hadaladda ka soo yeedhaya ragii waxaas oo halaaga ah soo mariyey bulshadda Somaliland ee nabada jecel, maanta damacasan in ay halaag kii hore ka daran in ay dib u geliyaan, cay iyo waxaaney gayin Madaxdda uga hiiliyey shacbiga  nimanka hebeladda ah ee soo mariyey waxaas oo dhib ah, iyagoo ka xun nabadda iyo horumarka ay Bulshadda Somaliland ku naalooneyso, cay iyo aflagaado aaney geyin Madaxdda JSL maalin walba meelaha Xafladaha ah kaga dhawaaqa, sidii xafladii ugu danbeysay, taas oo uu muuse Biixi ku caytamaayey in kastoo uu Madaxweynaha JSL: mudane Daahir Rayaal Kaahin ruqsad u siiyey Xisbiga kulmiye Cayda.

Waxaan odhan lahaa Muuse hal, Muuse Biixi Cabdi maanta waxa uu taagan yahay “ninkii ugaadhsadaha ahaa ee dabinka dhigtey si ay ugu gasho sakaaro, balse uu ugaley waxaanu “, maanta muuse biixi wax uu la mid yahay ninkaa ugaadhsadaha ahaa waayo waxaanu waligii ku seexan kuna fikirin ayuu helay, Muuse askari ayaa lagaa dhigi mooyee siyaasi ayaad noqon, Wasiir ayaad noqon, Gudoomiye Xigeen Xisbi ayaad noqon kumanuu seexan kumanuu soo toosin, damaciisana may aheyn waligii. waayo qofku isagaa ayaa is qiimeeya heerka ay taagan tahay aqoontiisu, kartidiisu si uu u raadsado shaqadii uu qaban lahaa, isagoo ka fogaanaya inuu ku fashilmo haduu raadsado shaqo aanu laheyn aqoonteeda.Waana ta maanta haysta Muuse biixi waayo malaha aqoon siyaasadeed, waxaanu u haystaa siyaasadda cay iyo aflagaado waxaan markaakhti ka ah maalinta uu hadlaba waxa taariikhda u gasha baal madow.

Muuse halka uu maanta Xukumadda ku canaananayo askari gudanaaya waajibkiisii shaqo oo aksidhant (accident) ahaan ku dilay qof shicib ah, miyaanu ahayn kii Agoontii SNM la dhacaayey Qoriga BMka, ee lahaa “ Anoo Aarsan kara Duco Qaadan Maayo”, miyaanu aheyn ninkii Hargeysa iyo Burco ku xasuuqey boqolaalka Qof ee aan waxba galabsan, isagoo ka door bidaaya danihiisa shaqsi, miyaaney aheyn maanta Ninka kali ah ee u dhashey umadda Somaliland ee loo baahan yahay in Maxkamad la sooro, mise dadkaasi gaalo ayey ahaayeen, maya xaasha ee waxa ka habsaamey dadkii ku soo oogi lahaa waana sababta kaliftey dhiiraraanta Muuse, waayo kuwii shalay uu laayey ayaan waxba laga odhan, markaa daw ayuu u leeyahay inuu dhiiga Shacbiga kaanbeyn ku galo si uu ugu kiciyo Dawladooda waxaanan leeyahay Muuse Biixi waa lagaaa horeeyaa maantana adaa u baahan in Maxkamad lagu saaro, waxaana iman doonta wakhtigeeda

 

Dhanka kale, wax madashaa isna hadal ka yidhi nin lagu magacaabo Jamaal Caydiid, oo aad moodo in ay baryahan danbeba ay isku xidhan yihiin Al Shabaab, waayo Ninkaasi sida uu ku qorey Websaadyadda waxa uu ku durey, jawaabtii ay Xukumadu ka bixisey Baadhistii Qaraxyadii ka dhacay Dalka JSL  29.10.08, isagoo sheegay in aan mukhaayaddaha hargeysa lagu wadda shaaheyn iyo in Madaxdii Xukumaddu ay guryahoodii guryo kale ka dul dhiseen, waxaan lee yahay Jamaal waxa wax lala yaabo ah in aad garab siiso kuwii xasuuqey dadka aan waxba galabsan, Jawaabtii xukumaduna waxay damaqdey cidii danbiile aheyd ee falkaa ka qayb aheyd, waayo Xukumadu qabiil iyo cid gaar ah oo ay magacawdey ma jirto, waxaanan qabaa in Jamaal damacsan yahay in uu marin habaabiyo baadhista falkaasi.

Jamaac Caydiid waxa looga  baahan yahay wax gubaaya, ma iyagu (shayaadiinta) xidhiidh la leeyahay ma isagaa wax ka ogaa falkaas, ileen waa kan balaayo aan jirin kaga dhawaaqaya warbaahintee. Waxaanan leenahay Jamaal ka waantow hadaladda caynkaas oo kale ah, waayo aad iyo aad ayey u damqayaan Bulshadda Somaliland.

Gunaanadkii waxaan ku soo koobayaa Qoraalkeygan, Nimanka shacbigan JSL hore u soo xasuuqey ee dooxa Hargeysa Bmka la dhacay, iyagaa u Baahan in Maxkamad la soo taago si loogu qaado danbiyadii ay shacabigan ka galeen.

 

Waxa Qoray: Maohamed Yaasiin

Email:
This email address is being protected from spam bots, you need Javascript enabled to view it

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *